Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah Gaza ka gaystay xasuuqyo ka dhan ah dadka reer Gaza, kaddib markii magaalada Dooxa lagu soo gabagabeeyay wadahadallo socday bilooyinkii lasoo dhaafay, kuwaas oo lagu gaaray heshiis xabad joojin iyo maxaabiis is-dhaafsi ah.
Waaxda caafimaadka ee marinka Gaza, waxay shaacisay tirakoob ku aaddan duqaymaha maamulka Yahuudda, kuwaasi oo gaarayay ilaa 15 xasuuq oo ay ku beegsadeen dadka abriyada ah, waxayna dhamaan xasuuqyadan dhaceen wixii ka dambeeyay heshiiskii xabad joojinta ee Dooxa, taasi oo u muuqata in maamulkan uu gaysanayo weerarro ba’an ka hor dhaqan galka heshiiska oo ku beegan barri oo taariikhdu tahay 19-ka Rajab 1446 /19-ka January 2025-ka.
Duqaymahan wuxuushnimo oo ka kala dhacay xaafado kuyaal Nusersaat, Al-mawaasii iyo Jabaaliya iyo goobo kale, waxaa inta la xaqiijiyay ku shahiiday 192 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 460 kale, sida ku cad warbixinnada maalinlaha ah ee la shaacinayay.
Dadka reer Gaza oo 15 bilood ku hor sugnaa duqaymaha gumeystaha, ayaa Allaah fadligiis guul ka gaaray dagaalka Yahuudda, waxayna ugu dambeyn ku qasbeen in uu saxiixo heshiiskan guuldarrada ku ah maamulka Sahaayinada.