Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey 24-kii saac ee u dambeysay gudaha magaaladan muqdisho ka fuliyeen howlgala qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsanaa dowlada federaalka.
Howlgalka hore oo ka dhacay gudaha degmada dayniile oo qarax ahaa ayey mujaahidiintu ku dileen Daahir Xasan Tooxoow oo kamid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada laga soo doorto Galmudug.
Howlgalka labaad oo dil qorsheysan ah waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin maanta ka fuliyeen gudaha suuqa bakaaraha waxeyna ku dileen askari milatariga ridada ka tirsanaa kaasi oo lagu magacaabi jiray beer-laawe.
Howlgalka Saddex-aad oo dagaal toos ah Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay ku qaadeen fariisinka ridada ee agagaarka isbitaalka carafaat ee degmada Yaaqshiid.
Howlgalka Afaraad oo isna dil qorsheysan ahaa waxey ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka hoteel Lafweyn ee degmada Kaaraan ee Muqdisho waxeyna ku dileen sarkaal labo xidigle ah kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed nuur waxeyna mujaahidiintu sarkaalkaas ka furteen qorigii uu ku hubeysnaa.
Howlgalka shanaad waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada hodan waxeyna ku dileen askari ka tirsanaa ridada kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Majeestar.
Howlgalka Lixaad oo qarax ah waxa uu ka dhacay degmada Yaaqshiid waxeyna Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen gaari Qooqan ah oo ay la socdeen saraakiil turki ah iyo askar murtadiin soomaali ah.
Qaraxan waxaa ku dhintay hal askari oo murtad soomaali ah waxaana ku dhaawacmay hal sarkaal oo murtad turkish ah iyadoo gaarigii qaraxa uu haleelay uu burburay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.