Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in weeraro is xigxigay lagu qaaday ciidamo boolis ah oo katirsanaa dowladda Kenya.
Weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay tuulada Booji Garas oo hoos tagta degmada Qorof Xaraar ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsan Saliibiyiinta Kenya xilli ay ku sugnaayeen saldhig Boolis.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyannada Al Shabaab ay iska hor’imaad culus lagaleen ciidamada loo yaqaan Home Gard.
Dhinaca kale wararka lag haleyo deegaanka Shangani oo qiyaastii 4Km ujira degmada Kinyuga ee gobolka Lamu ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska hor’imaad culus.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada KDF balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan