Faah-faahinno dheeraadka ah ayaa laga helayaa weerar xooggan oo shalay gilinkii dambe ciidamo katirsan jihaadiyiinta ay ku ekeeyeen Xeryo Maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameysteen degmada Diinsoor ee Wilaayada Baay.
Weerarka oo ahaa mid cag marin ah ayaa maleeshiyaadka dowladda lagu gaarsiiyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh iyadoona hub laga furtay.
inta la xaqiiyay waxa dagaalka lagu dilay in kabadan 10 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed waxaana lagu dhaawacay 8 kale oo uu ku jiro taliye magaciisa Carab lagu soo gaabiyey.
Qaar kamid ah meydadka Maleeshiyaadkii ku dhintay dagaalkaas ayaa maanta lagu soo bandhigay Fagaaro ku yaala Deegaanka Yaaq Baraawe ee Wilaayada Islaamiga Baay halkaas oo dadweyne fara badan oo kamid ah dadka deegaanka ay isugu soo bexeen.
Dagaalka oo soo gaaray illaa xaley fiidkii ayaa dhamaan shaqaalihii iyo hay’adihii la shaqeynayey Xabashida ku qasbay in ay magan galaan saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Laftagareen ee degmada Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidoow ayaa kamid ah saraakiisha xalay ku hoyday saldhigga xabashida waloow Saaka isaga iyo Askartii ka firxaday xeryahooda ay dib ugu soo noqdeen magaalada iyagoo ku labisan dareeska ciidanka waxayna isku muujinayeen in ay yihiin dad dagaal u diyaarsan.
Barakac xoogan ayaa sidoo kale saaka ka bilowday qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha Magaalada gaar ahaan aaggii shalay dagaaladu ka dhaceen, waxaana goobaha laga barakacay kamid ah Xaafada Buulo Xaashi oo aad mooddo mid gabi ahaanba haawaneysa.
Sawirro iyo muqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadyow iyagoo lugeynaya kasii baxaya magaalada iyo kuwo kale oo u qaxay xaafadaha fog ee magaalada ka baxsan iyo goobaha ay deganyihiin ciidamada xabashida iyo kuwa soomaalida maadama ay suuragal tahay in markale dagaal lagu soo qaado aagaasi.