Xildhibaanno ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa ka hadlay isbedello dhanka maamulka ah oo ka dhacay wilaayada Sh/dhexe, kaddib markii ay ciidamada mujaahidiintu weeraro cagmarin ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ay murtadiintu kulahaayeen Sh/dhexe.
Murtad Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha dawaaqiidda ee kooxda Ridada, ayaa qiray guul-darrada ku habsatay kooxda Riddada ah, ka dib markii ay ciidamada mujaahidiibtu la wareegeen gacan ku haynta ilaa 8 deegaan oo ka tirsan Sh/dhexe.
Wuxuu qiray in mujaahidiintu horumar ka sameeyeen Sh/dhexe, sidoo kale waxa uu Daahir Amiin Jeesow sheegay in maleeshiyadka murtadiinta ah ay ku Jabeen dhaqdhaqaaqyo ay ka sameeyeen duleedka degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan.
Dhanka kale, murtad Cabdirashiid Xididg oo ka tirsan golaha dawaaqiidda ee kooxda Riddada ayaa dhankiisa qiray horumarrada ay ciidanka mujaahidiintu ka sameeyeen Sh/dhexe, waxa uu sheegay in ciidanka mujaahidiintu gacanta ku dhigeen deegaanno dhowr ah, haddana maleeshiyada kooxda Riddada ka xirxiranyihiin deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Sh/dhexe.
Hadalka labadan xildhibaan ee ka tirsan murtadiinta, ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu weeraro cagmarin ah ku qaadeen 4 deegaan oo ka tirsan Sh/dhexe, lana wareegeen, waxayna taasi keentay in maleeshiyada Riddada ay isaga cararaan 3 deegaan oo kale, halka deegaanka siddeedaad oo ahaa Boos-caamirna shalay mujaahidiintu dagaal kula wareegeen.