Xilli saaka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ay marti gelisay dagaallo culus oo saacado badan qaatay, saraakiil iyo askarna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, ayaa dhanka kale xildhibaannada dawaaqiida maamulka Axmed Madoobe waxay eedayn kulul u jeediyeen hoggaanka ugu sarreeya dowladda Riddada.
Dagaalka oo saaka ka dhacay xarunta maamulka degmada Baardheere ayaa saraakiisha lagu dilay waxaa ka mid ah murtad Caagane oo kooxda Riddada ugu magacownaa guddoomiyihii arrimaha bulshada ee degmadaasi, waxaa sidoo kale lasoo wariyay dhaawacyo xubno kale iyo dad shacab ah.
Xildhibaanno ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa si adag uga hadlay dagaalka maanta ka dhacay Baardheere, waxayna masuuliyadda wixii degmadaas ka dhacay dusha uga tureen madaxa kooxda Ridada Soomaaliya murtad Gurguurte iyo ra’iisul wasaaraha Riddada murtad Xamze Cabdi Barre.
Xubnahan murtadiinta ah ee maanta ka hadlay degmada Doolow ee gobolka Gedo waxay cambaareeyeen dagaalka ka dhacay Baardheere, waxayna sidoo kale sheegeen in weerarkan uu yahay kii labaad oo kooxda Riddada ah ay ku qaado xarunta maamulka ee degmada Baardheere.
Dhankiisa guddoomiyaha kooxda Ridada Somalia ugu magacaaban Baardheere, murtad Ismaaciil Sh Cabdi Qorax oo magaalada shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmadaasi ee dhanka Axmed Madoobe iyo guddoomiyihii arrimaha bulshada oo dhaawac ah, dhankoodana uu dagaalkii dhacay kaga dhintay murtad Caagane oo ugu magacownaa Arrimaha bulshada ee degmadaasi.