Wararka laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka gaala raaca Hiirshabeelle.
Xildhibaanadan waxaa rasaas ooda uga qaaday askari ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Hiirshabeelle,iyadoona faahfaahin laga helayo dhacdadaasi.
Gaariga la rasaaseeyay waxaa la socday Labo Xildhibaan oo Murtadiin ah kuwaasi oo lagu kala magacaabo Faarax Muxamed Cismaan oo ku magacdheer Gacamey iyo Muxamed Yuusuf Colow.
Mid ka mid ah xildhibaanadan la rasaaseeyay oo lagu magacaabo Gacameey ayaa la xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaaray waxaa sidoo kale burbur laga dareemayaa gaarigii ay la socdeen xildhibaanadaasi.
Si rasmi ah looma xaqiijin sababta keentay rasaasta askariga uu ooda kaga qaaday gaariga ay la socdeen xildhibaanada balse waxey warar hoose sheegayaan in askarigan ka cabanayo mushaar la,aan joogta ah.
Calamada.com