Mid kamida xildhibaannada baarlamaanka maamulka isku magacaabay “Jubbaland’ ayaa ku dhintay qarax caawa ka dhacay Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lagu beegsaday gaari uu la socday xildhibaan Khaliif Haashim oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow Axmed Madoobe.
ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in xildhibaanka labeegsaday uu isla goobta qaraxa ku dhintay, Xarakada Al Shababaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Kismaayo ka dhacay sida lagu sheegay war kooban oo xarakada kasoo baxay.
Waa qaraxii ugu horreeyay ee xildhibaan lagu dilo oo ka dhaca Soomaaliya sanadka cusub ee 2021.