Mid ka mid ah xillidhibaanada kooxda Ridada Somalia ayaa warqad uu qoray eedeyn ugu jeediyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan bankiga dhexe ee kooxda Riddada Soomaaliya, isagoona ku eedeeyey musuqmaasuq baahsan oo ka dhax jira gudaha bangiga.
Murtadka warqadan qoray ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Xaashi Abiib, waxa uu mar xubin kasoo noqday shaqaalaha bannkiga dhexe ee dowladda Riddada ah ee Soomaaliya.
Ninkan ayaa sheegay in waqadiisan ay ku wajahantay madaxa kooxda Riddada Xasan Sheikh Maxamuud, murtad Xamse Cabdi Barre, masuuliyiinta ugu sar sareysa bandhiga dhexe ee dowladda Riddada iyo cid kasta oo qeyb ka ah shaqaalaha bangigaas.
Waxa uu daaha ka rogay in musuqmaasuq daran uu hareeyey gudaha bangiga, ayna ogyihiin masuuliyiinta ugu sar sareysa xukuumada Riddada ah ee Muqdisho, balse ay iska indha tirayaan wax waliba waa sida uu hadalkau dhigaye.
Cabdullahi Xaashi Abiib ayaa warqadiisa ku sheegay in intii uu ka tirsanaa masuuliyiinta bankiga dhexe ay dhowr mar warqado ku codasanayaan in la shaaciyo wareegtada rasmiga ah ee dib-u-magacaabista ay u direen hoggaanka Riddada, balse uu iska indha tiray.
Ugu damebyntii warqadda ninkan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay musuqa baahsan ee ka dhexjira kooxda fadhigeedu uu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoona soo laabashadii murtad Xasan Sheikh kusoo laabtay kursiga Villa Somalia ay shacabka Soomaaliyeed dhaxalsiisay boob iyo biliqo joogta ah oo ay geesanayaan maleeshiyaadkiisa hanka yar.