Murtad Xasan Sheekh Maxamuud madaxa kooxda ridada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay wareysi uu siiyey mid kamid ah wargeysyada Mareykanka waxa uu ka dhawaajiyey dhinacyo dhowr ah iyo sida ay usii lixaadsaneyso awooda ciidan ee xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab.
Mid ka mid ah saxafiyiinta ka howgala joornaalka Washington Post oo Gurguurte wareysi kula yeeshay kulanka sanadlaha ah ee dhaqaalaha adduunka ee Davos ee dalka Switzerland, ayaa wax laga weydiiyey jawaanib kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo halka uu marayo balan qaadkiisii ahaa in muddo kooban uu kusoo afjarayo mujaahiidinta.
Waxaa murtadkan ugu horeysntii la weydiiyey waxa u qabsoomay muddadan uu xilka joogo marka laga hadlayo loodinta cududda Al-Shabaab, maadaama uu doorashadiisii kadib sheegay in ajandihiisa ugu horeeyaba uu yahay in muddo labo sano ah uu kusoo afmeerayo guud ahaan xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in mujaahidiintu wali yihiin awood jirta oo aysan uga adkaan sida ay doonayeen, waxaanu yiri” 18-kii sano ee la soo dhaafay waxaan Al-Shabaab kula dagaalanay qaab ciidan iyo qaab dhaqaale intuba walina dabacan si buuxda looma jibin”.
Mar Gurguurte la weydiiyey waxa ay ka filanayaan maamulka cusub ee Mareykanka iyo siyaasadaha Trump uu doonayo inuu ku wajaho arimaha dibada, ayuu ku cataabay in wanaag ay ka filanayaan isagoo isku muujinaya mid dadaal ku jira aanana mudneyn in laga jarto kaalmada kala duwan, maadaama xukuumadiisuba ay ku dhisantahay dawarsi iyo sandareertada yar ee ay ka helaan galbeedka iyo xulafadiisa.
Wareysiga oo sii socda ayaa markan waxaa murtad Xasan Sheekh Maxamuud la weydiiyey halkii ay ku dambeysay lacagtii halka biylan ee Dollar ee ay sanadkii 2023 ka heleen dhanka Mareykanka taasoo u badneyd kaalmo militari.
Waxa uu Guguurte isagoo fadeexa ka carar ah sheegay in cadadka lacagta intaas la’eg aysan ku bixin dhanka ciidanka balse badanaa ay u adeegsadeen qaab gargaar bani aadanimo, taasoo ah mid kale oo xaqiiqada ka fog marka la milicsado xaqiiqda ka jirta goobaha ridada ay ku suganyihiin, in shacab wax la siiya iskaba daayee waaba hadii ay nabad gasho hantidoodii yareed ee ay heysteen.
Wareysiga Washington Post oo sii socda ayaa murtad Xasan Sheekh Maxamuud lagu weydiiyey, waxa dhici kara hadii Mareykanku uu markale ciidamadiisa ka saaro Soomaaliya, sidaba dhacday muddo xileedkii hore ee uu aqalka cad ku sugnaa ninka soo rogaal celiyey ee Donald Trump.
Waxa uu sheegay isagoo ay ka muuqato baqdinta arinkaas ku aaddan, in xukuumada Washington ay ka codsanayaan in arinkaas aysan ku degdgein taa badlkeedna ayba sii kordhiyaan awooddooda Sooomaaliya, Trump waxa uu hadda doonayaa in uu wax ka badal ku sameeyo siyaasaddiisa arimaha dibadda ee ku dhisan bixinta malayiinta dollar ee faa’iido la’aanta ah.
Gunaanudkii waxa uu wareysigan kusoo beegmay ayaa la dhihi karaa xilli Xukuumada Xasan Sheekh ay gadaal marsatay waqtigeedii ugu badnaa ee kusriga, natiijada colkii uu iclaamiyeyna ay nooqtay mid fashil kusoo idlaatay, waxa hadda filasho loogu jirana ay tahay is qabqabsi siyaasadeed iyo in Guguurte kursiga ku sii dangiigsanaado ilaa sanada 2027.