Xasan Garguurte oo ah madaxa dowlada federaalka ayaa ku dhaawaqay R/wasaaraha federaalka kaasi oo laga sugayay magacaabistiisa.
Murtad Xasan Garguure ayaa R/wasaaraha cusub ee kooxda Ridada federaalka u magacaabay Murtad Lagu Magacaabo Xamze Cabdi Barre kaasi oo ah ninkii maalmihii dambe aadka loo hadal haayay loona badinayay inuu Garguurte u magacaabo R/wasaaraha federaalka.
Ninkan loo magacaabay R/wasaaraha federaalka ayaa ka tirsan xibsiga Xasan Garguure, Waxa uu sidoo kale ninkan mar soo noqday gudoomiyihii guddiga doorashooyinka Jubbo land ee Axmed Madoobe mar kale dib ugu soo celiyay madaxa maamul gobaleedka Ashahaado la dirirka Jubbo land.
Sidoo kale ninka uu Garguurte u magacaabay R/wasaaraha kooxda Ridada waa nin ay soo carbisatay dowladda Saliibiyadda Kenya, Waxaana ku cadaadinta Garguurte inuu Xamze ka dhiga R/wasaare iska kaashaday dowladda Kenya iyo Murtad Axmed Madoobe.
Waxeyna magacaabista Xamze kusoo aadeysaa saacada kadib markii dowladda Kenya dhulka ku jiiday kooxda Ridada ee uu hogaamiyo Garguurte kadib markii shir ka dhacayay magaalada Nayroobi ay dowlada Kenya kuwada casuumtay safiirada kooxda Ridada Soomaaliya iyo maamulka Ashhaado la dirirka ah ee isku magacaabay Soomaaliland.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.