Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ku garaaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay saliibiyiintu kaga suganyihiin dalka Soomaaliya.
Madaafiicda ayaa ku wada dhacay gudaha xerada Xalane oo ahayd bartilmaameedka ciidamada mujaahidiinta, waxayna madaafiicdu si gaara ugu dhaceen oo ay gubeen xafiisyada iyo xarumaha saliibiyiinta ee kala ah.
1_Xafiiska taliska guud ee isbahaysiga ATMIS, kaasi ii gabi ahaan gubtay waxii dhex yiillayna wey wada basbeeleen.
2_Xarunta safaaradda dowladda Ingiriiska gaar ahaan qeybta Tumashada, taasi oo gabi ahaanba gubatay.
3_ saddex xarun oo UN-ka ku lahaa gudaha xerada Xalane gabi ahaan way gubteen wixii yiillay xarumahaas way gubteen.
Sidoo kale waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday askar Kenyaati ah oo ahaa ilaalada gaarka ah ee xarumaha gubtay.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasi oo lala beegsaday gaari booyad ah oo ay lahaayeen maleeshiyada Riddada, kaasi oo marayay gudaha degmadaasi, qaraxan waxaa ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.