Saraakiil ka tirsan dowladda Liibiya ayaa sheegay in la helay meydadka ilaa 28 qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaas oo lagu aasay xabaal-wadareed laga helay meel u dhow xero dadka lagu hayo oo ku taal mandiqadda Kufra ee dhacda koonfur-bari Liibiya.
War kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa lagu sheegay in meydadkan la helay kaddib howlgal ay ciidamada ammaanka ee dowladda dabadhilifka ah ku bartilmaameedsadeen xarun ay isticmaalaan kooxo dadka tahriibiya, halkaas na ay ku qabteen 76 qof oo kale oo tahriibayaal Afrikan ah.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in goobta laga helay maydadka dadka tahriibeyaasha sido kale lagu arkay xubno ka tirsan kooxaha dadka tahriibiya oo waliba dadka kula kaca jir dil iyo tacaddiyo xooggan, waxaana gacanta lgu dhigay saddex qof oo kala ah qof Liibiyaan ah iyo laba kale oo aan dalkaas u dhalan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad silac nafta looga jaray oo uu ka muuqdo raadadka garaacista.