Ciidamo ka tirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ee Gedo, ayaa weerar culus oo toos ah ku qaaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa xerada Baraxow ee kutaalla degmada Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Bakool, waxay mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta ah ee xabashida Itoobiya kaga suganyihiin degmada Xudur, Baay waxay mujaahidiintu weerarareen xero maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin xaafadda Ban-khiyaano ee degmada Baydhaba.
Dhanka Sh/hoose, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan ku ekeeyeen isbaaro maleeshiyaadka Riddada u tiillay halka loo yaqaan Daa’uud-yare oo kutaal inta u dhaxeysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Muqdisho.
Dagaalka markii muddo kooban uu socday ayay maleeshiyada murtadiinta kala carareen, waxayna mujaahidiintu soo qaniimeysteen agabyo ciidan, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee xaafadda Mukayga ee degmada Afgooye.