Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin deegaanno katirsan gobollada dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro culus lagu miray saldhigyo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Taabto, weerar kale ayaa lagu qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanada Awdheegle iyo Baar Sanguuni.
Sidoo kale dagaalyahannada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Ridada maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan degmooyinka Xudur iyo Qansaxdheere.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr qarax laga maqlay saldhig melleteri oo Xudur kuyaal halkaas waxaa ku hoobtay madaafiic ay soo ridayeen dagaalyahannada jihaadiyinta Al Shabaab.
Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa xalay deegaanka Weydoow ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda gaar ahaan guutada loo yaqaan Haramcad ee Turkigu tababaray.
Dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si xowlli ah uga socday gudaha iyo hareeraha Muqdisho.