Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in weeraro culus lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolladaas.
Kolonyo ciiidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhexeysa degmooyinka Rabdhuure iyo Buur-dhuxulle ayaa la kulmay weeraro culus oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ugu yaraan labo qarax oo cul culus ayaa lala eegtay ciidamada Itoobiyaanka, waxaana markaas kadib ay ku dheceen weerar kamiin ah oo adag, kaas oo ay horey u diyaariyeen ciidamada Mujaahidiinta.
Dadka ku sugan baadiyaha gobolka Bakool waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka uu ka muuqdo daal xoogan, ayna u taag la’ yihiin weerarada taako taakada ah ee ay kala kulmayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo uu jiro khasaare culus oo gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya, hadana ma hayno faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha gaaray.