Weeraradan oo loo adeegsaday Bambaanooyinka noocyada gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray goobo ay ku qayilayeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada ee hogaamiyaha u yahay Farmaajo.
Weerarka Kowaad waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxeyna Bamka bartamaha ka gashay maleeshiyaatkii goobtaasi ku qayilayay.
Goob-joogayaal goobta ka agdhawaa waxey xaqiijiyeen iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday maleeshiyaatkii Bamkaasi lagu weeraray.
Weerarka Labaad oo isagana loo adeegsaday Bam gacmeed waxaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan maamulka Farmaajo oo maandooriyaha qaadka ku cunayay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley,waxa uu weerarkaasi sababay khasaara soo gaartay maleeshiyaatka Murtadiinta.
Weeraradan ka kala dhacay degmooyinka Wadajir iyo Wardhiigley waxey kusoo aadayaan xilli maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu dilay saraakiil ka tirsan dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.