Weeraro culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya ee ay ku suganyihiin ciidamada soo duulayaasha shisheeyaha.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo Kenya ku leeyihiin gobollada Bakool iyo Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in xalay fiidkii weeraro lagu qaaday laba saldhig oo melleteriga Itoobiya ay uga suganyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid.
Sidoo kale weerar culus ayaa lagu qaaday saldhg laba saldhig oo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaannada Taabto iyo Cabdalla Biroole oo kawada tirsan Jubbada Hoose.
Dagaaladan khasaaraha lagu gaarsiiyay askarta Saliibiyiinta Kenya iyo kuwa Xabashida Itoobiya waxey kusoo aadayaan xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka kooxda Ridada Soomaaliya ay ka samesteen deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye.