Ciidamada millatariga Shabaabul Mujaahidiin waxay weeraro kala duwan ku qaadeen saldhigyo ciidan oo kuyaal bartamaha iyo koonfurta dalka Somalia.
Goobaha ay Mujaahidiintu weeraren waxaa ka mid ah saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta maamulka la magac baxay Jubbaland ay ka samaysteen deegaanka Kulbiyow ee gobolka jubbada hoose halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen maleeshiyaadka murtadiinta.
Dhawaqa rassaasta la isku adeegsanayay dagaalka waxaa si aada looga maqlayay deegaamada miyiga ah waxaana la xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka gobolka Hiiraan waxay ciidanka Mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo murtadiiintu ka samaysteen bariga degmada Buula-barde ee gobolka Hiiraan, waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo murtadiinta soo gaaray.
Howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa lagu khaarajiyay askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka loogu yeero booliska kooxda Ridada.
Murtadka ay Mujaahidiintu khaarajiyeen waxaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Qaadir wuxuuna murtadkaas aad u dhibi jiray shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha.
Weeraradan waxay kusoo beegmayaan wakhti saacadihii lasoo dhaafay shababul Mujaahidiin ay dagaal kula wareegeen deegaanka Xoosh oo qiyaastii 7Km u jira deegaanka Bacaadwayn ee gobobolka Mudug.
Calamada.com