Warar dheeraad ah waxey kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaallo xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah wilaayaatka Jubbooyinka iyo shabeelada hoose.
Ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerarka hore oo ahaa dagaal toos ah ku qaaday saldhigga ciidanka kuffaarta Kenya ee deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.
Iska hor’imaad hubeysan ayaa gudaha saldhigga ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo ciidamada gaalada kenya waxaana lasoo wariyay in dagaalkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay saliibiyiinta kenya.
Dhanka kale waxay Shabaabul Mujaahdiiin dagaal culus oo si wanaagsan loo dajiyay ku qaadeen fariisimo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganaayeen degmada Afgooye ee wilaayada shabeellaha hoos.
Dagaalladu waxay si gaar ah uga dhaceen fariisimaha murtadiinta ee Haanta dheer iyo Mukeyga ee degmada Afgooye waxaana la wariyay khasaare kala duwan oo murtadiinta soo gaartay.
Shabaabul Mujaahidiinta waxay maalmihii lasoo dhaafay sare u qaadeen howlgallada jihaadiga ah ee sida dardarta leh uga socda gobollada dalka Soomaaliya iyo dhulka NFD ee ay Kenya xooga ku heysato.
Calamada.com