Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa ku waramaya in kamiin culus loo dhigay ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka degmada Xudur.
Ilo wareedyo aan ku kalsoonnahay waxay soo sheegayaan in kamiinka uu ahaa mid aad u culus, islamarkaana khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya Xabashida.
Warar horudhac ah oo laga helayo kamiinka ka dhacay duleedka Xudur waxay ku waramayaan in ciidanka maamulka Koonfur galbeed halkaas looga burburiyay labo gaari oo nooca Cabdi bilaha Soomaalida u taqaan, islamarkaana ciidankii saarnaa labadaas gaari ay dhinteen.
Kamiinkan ayaa dhacay waaberigii hore ee saaka waxaana suuragal ah in khasaaraha ka dhashey intan uu ka bato, maadaama faafaahinta la helayo ay tahay mid horudhac ah.
Majiro dhanka maamulka Koonfur galbeed ah wax war ah oo kasoo baxay, kuna aadan weerarka saaka ciidankooda lagu gumaaday ee ka dhacay duleedka Xudur.
Xudur waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaas oo gacanta ku haya maamulka rasmiga ah ee magaalada, waxaana kamiinkan uu kusoo aadayaa iyadoo ciidamada Itoobiya weeraro laba todobaad socda kula kulmayaan inta u dhexeysa Qansaxdheere iyo Bardaale oo katirsan gobolka Baay.