Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xero ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, xerada ay sida gaarka ah u beegsadeen mujaahidiintu waa xerada baraxow, dhawaqa hubka la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa si wayn looga maqlayay xaafado ka tirsan Baardheere.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku mireen xerada ciidamada Kuffaarta Uganda ee deegaanka Danow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in muddo ah socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, Bakoool ayaa marti gelisay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen mid ka mid ah xeryaha maleeshiyaadka murtadiinta, weerarkaan ayaa si gaar ah u beegsaday saldhigga murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Ceelbarde.
Waxay weeraradan qayb ka yihiin silsilado howlgallo ah oo ciidamada mujaahidiintu ay maalmihii lasoo dhaafay ka fuliyeen wilaayaadka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ugu waynaa qaraxyo ka kala dhacay Galgaduud iyo Sh/hoose, kuwaas oo lagu dilay sarkaal murtad ah iyo askar ka tirsan ciidamada kuffaarta.