Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gudaha dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato waxay weerar isugu jira kammiin iyo qarax la beegsadeen kolanyo ka mid ah saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Mararani, gaari Kooyal ah oo ay la socdeen saliibiyiinta Kenya ayaa la xaqiijiyay in uu qaraxa haleelay, waxaana isla burburay gaarigii iyo dhammaan ciidanka la socday.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen fariisin ciidan oo ay maleeshiyaad murtadiin ah oo ka amar qaata dowladda kaafiradda ah ee Kenya kaga sugan yihiin Tuulada Dagcaday oo dhacda xadbeenaadka, ugu yaraan hal askari oo murtad ah ayaa weerarka lagu dilay, Maleeshiyaadka murtadiinta markii dagaalka muddo kooban socday waxay gabi ahhaan isaga carareen fariisinka.
Dhanka Sh/hoose ee koonfurta Somalia waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay illaa sadex qarax la beegsadeen ciidamo lug ah oo ka tirsan kuffaarta Yugaandha, kuwaas oo ku lugeynayay inta u dhaxeysa deegaannada Golweyn iyo Danow. qaraxyadan waxaa ku bakhtiyay 1 askari oo ka mid ahaa kuffaarta Uganda iyo dhaawaca 3-kale oo isla Yugaandheeska ka mid ah.
Ciidamada mujaahidiintu waxay sidoo kale dagaallo culus oo safmareen ah ku qaadeen xeryaha ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin Shalambood, Jannaale iyo degmada Buulo-mareer. saldhigga degmada Jannaale ayay mujaahidiintu ku weerareen saliibiyiinta iyo murtadiinta, halka saldhigyada kale ay kaliya ku sugnaayeen saliibiyiinta Yugaandha.