Howlgal gaar ah oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe, ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo mooto ku socdaalayay, waxaana halkaas maleeshiyaadka Riddada ah lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qorsheysan lagu dilay laba askari oo murtadiin ah, halka 2 kale lagu dhaawacay, waxayna mujaahidiintu soo qaniimeysteen 2 qori oo maleeshiyada Riddadu lahaayeen.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu galabta weerar qarax la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Riddada ee Bangaraafta, kuwaasi oo marayey inta u dhaxaysa magaalada Ceelbaraf iyo deegaanka Miir-taqwo, khasaare murtadiinta gaaray ayaana jira.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu galabta weerar ku qaadeen, xerada ciidamada xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, waxaana teendho xerada ugu tiillay haleelay gantaal nooca garabka laga gano.