Wararka laga helayo degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in weerar culus lagu qaaday saldhig iyo fariisin ciidamada Dowlada Ridada Jabuuti ay ka sameysteen degmadaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar culus ku qaaday fariisinka iyo saldhiga ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen dhanka Galbeed ee degmada Buulo burte.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan.
Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ciidamada Ridada Jabuuti kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay degmada Buulo burte oo ka mid ah goobaha ciidamada Jabuuti duulaanka kaga suganyihiin gobalka Hiiraan.
Calamada.com