Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay dagaal xooggan oo toos ah ku mireen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga sugniyiin garoonka diyaaradaha degmada Baraawe.
Dhanka Baay, waxay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan ku ekeeyeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta xero Koowaad ee degmada Diinsoor, sidoo kale waxay mujaahidiintu weerar ku mireen xerada murtadiinta ka degganyihiin deegaanka Goofduud-buurey ee hoostaga magaalada Baydhaba.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga murtadiinta ee degmada Xudur, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Gedi, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar abaabulan ku mireen, xerada maleeshiyada murtadiinta ee WFP degmada Garbahaarey, howlgalladan ka kala dhacay Sh/hoose, Baay, Bakool iyo Gedo ayaa qayb ka ah weerarada habeen-dheelmadka ah ee ciidamada mujaahidiintu ku miraan xeryaha iyo fariisimaha ciidamada kuffaarta iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaiya kaga suganyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.