Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor’imaadyo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ciidamo katirsan Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay askar iyo saraakiil katirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada ee ka howlgala degmada Baardheere.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo ay qaraxyo barbar socdeen ay ka dhaceen duleeyada degmada Baardheere waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo.
Saraakiishii ugu sarraysay ee maleeshiyaadka Ridada Soomaalida ee Xabashida Itoobiya ku wehliya duullaanka Baardheere ayaa ku dhaawacmay dagaalkii shalay.
Max’med Dheere oo ah taliyaha ciidanka DF ee degmada Baardheere iyo Geelle oo ah madaxa Zaadka ciidamada ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weeraradii shalay gelinkii dambe dhacay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Mujaahidiinta ay si adag udifaacdeen deegaanadii lagu dagaallamay, majirin wax gurmad ah oo ciidamada Xabashida Itoobiya ay ufidiyeen maleeshiyaadka carratuurka u ah ee shalay khasaaraha lagaarsiiyay.