Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayada Shabelada dhexe.
Weerarkan oo ahaa mid kamiin ah waxey ciidamada Mujaahidiinta u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan Ridada kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee wilaayada Shabeelada dhexe.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada waxeyna ciidamada Mujaahidiintu ganiimeysteen Labo qori iyo booshashkoodii.
Kamiinkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Mujaahidiinta howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaatka milatariga kooxda Ridada Somalia.
Sidoo kale waxey Mujaahidiinta weerar qarax ah la beegsadeen fariisin maleeshiyaatka kooxda Ridada Soomaaliya ka ilaaliyaan xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Kufaarta ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho, Waxa uu qaraxa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay askarta dowlada federaalka.
Calamada.com