Weerar loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo ku qayilayay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Goobta sida gaarka ah weerarkan kaga dhacay waxey ku taalaa xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley waxaana dhawaaqa qaraxa Bam si aad ah looga maqlay xaafadaha degmada Wardhiigley.
Goob-jooge ka agdhawaa goobta qaraxa waxa uu warbaahinta qaar u sheegay iney jiraan tiro askar ah oo maamulka Farmaajo dhimasho iyo dhaawac kaga noqday qaraxa.
Weerarkan Bam ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro Bam lagu weeraray saldhiga degmada Howlwadaag iyo isbaaro maleeshiyaatka Murtadiinta ay dhigteen agagaarka Kulayaddii hore ee Jaala Siyaad ee degmada Hodan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.