Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayada Sh/dhexe, waxay maanta fuliyeen weerar qorsheysan oo kamiin ah, kaasi oo lagu dilay guddoomiye deegaan oo ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Hirshabeelle.
Weerarka kamiin ah oo si gaar ah kaga dhacay deegaanka Hareeri-Caadle ee dhaca duleedka degmada Balcad ayaa Allaah fadligiis lagu khaarajiyay guddoomiyihii maamulka Riddada ee deegaankaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray (Afcadde), waxaana sidoo kale lagu dhaawacay saddex askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo xooggan la beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin xaafadda Buuda-weyn ee magaalada Baledweyne, waxaana jira khasaare gaaray Riddada.