Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar cag marin ah oo habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen xero ciidanka nabadsugida ay ku leeyihiin deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey gabi ahaan cagta mariyeen xeradii askarta ridada ee deegaanka Garasbaaley, Waxaana jirta khasaara kala duwan nabadsugida ridada lagu gaarsiiyay weerarkan qorsheysan.
Inta la xaqiijiyay hal askari oo murtad ah ayaa lagu dilay weerarkan ka dhacay xerada ashahaado la dirirka ee deegaanka garasbaaley kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali garuun.
Sidoo kale waxaa weerarkan qorsheysan lagu dhaawacay afar murtad oo isugu jirta saraakiil iyo askar kuwaasi oo kala ah.
1-Abuukar oo ah sarkaalka heysata fiirisinka ridada ee la weeraray sidoo kalane ah baara ka tirsan saraakiisha xabsiga godka jilicow
2-Daahir jareer oo ka mid ah askarta ridada
3-Cabdi qaadir maxamed oo askari ka tirsan ridada
4- Cabdi qaadir ibraahim sh cali oo ah askari ka tirsan ridada
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar ku ganiimeysteen hub iyo agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
Xalay ayey aheed markii sidoo kale Shabaabul Mujaahidiin labo qarax la beegsadeen xerada asluubta ee magaaladan muqdisho taasi oo xarun ah maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.