Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar dhabbagal ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in weerar jidgal ah loo dhigay gaari Tiknika ah oo ay la socdeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.
Dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa wadada ugalay gaari ciidan oo marayay wadada xiriirisa degmada Balcad iyo deegaanka Gololeey ee Sh/dhexe.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay 5 askari oo melleteri ah islamarkaana laga furtay 4 qori iyo booshashkooda, wararka ayaa intaas ku daraya in wadada laamiga ah lagu gubay gaari dagaal oo ay wateen ciidamada lalaayay.
Dhinaca kale gaari qooqan ah oo ay la sacdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee degmada Hodon waxaana qaraxa ku dhaawacmay darawalkii gaariga oo ahaa askari hubaysan.