Ciidamada mujaahidiinta ee jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ee halganka kaga jira galbeedka Africa, ayaa weerar culus oo kamiin ah u dhigay ciidamo ka tirsan murtadiinta Maali, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Bandajagara iyo Seyfaari ee Maali.
Weerarka ayaa u dhacay sidii ciidamada mujaahidiintu u qorsheeyeen, war kooban oo ay faafisay mu’assasada Al-zallaqah oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta jamaacada Nusratul islam ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka jidgalka ah lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo murtadiin ah.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkaan kusoo qaniimeysteen gaari nooca kuwa ciidanka ah oo ay ka carareen maleshiyaadka murtadiinta Maali, 5 qori oo Ak47 ah, 6 mooto, hal qori oo Dhashiike ah, waxay sidoo kale gubeen mooto nooca dhugdhugleyda ah.
Mu’assasada Al-zallaqa waxay dhankeeda faafisay sawirrada maydadka ciidanka Riddada Maali ee weerarka jidgalka ah lagu dilay iyo sawirrada qanaa’imta kala duwan ee ay ciidamada mujaahidiintu kusoo furteen weerarka.