Xukuumadda Burundi ayaa xaqiijisay in mid kamida wasiiradeeda muhiimka ah lagu toogtay bartamaha magaalada Bujumbura ee caasimadda u ah wadankaasi.
Wararka ka imaanaya Burundi ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen wasiirkii deegaanka Emmanuel Niyonkuru oo ay isku dhawaayeen madaxweynaha talada haya.
Wakaaladda wararka Faransiiska oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidanka Booliska ayaa sheegtay in wasiirka Bii’ada Burundi ladilay xilli uu kasoo baxayay gurigiisa oo ku yaala magaalada Bujumbura ee caasimadda u ah wadankaasi
Waa Markii ugu horraysay oo wasiir katirsan dowladda Burundi ay dilaan kooxaha hubeysan tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen wadankaasi bishii April sanaddii 2015.