Wararka ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in tobanaan katirsan mas’uuliyiintii ugu sarraysay TPLF lagu dilay dagaal aad uculus oo ka dhacay duleedka magaalada Maqalla.
Saraakiisha ladilay waxaa kamid ah Seyoum Mesfin oo horay u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya islamarkaana saameyn xooggan kulahaa xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Males Zenaawi.
Seyoum Mesfin ayaa muddo 16 sana ah ahaa wasiirka arrimaha dibadda isagoona galaangal ku lahaa dowladaha dhaca geeska qaaradda Afrika.
Sidoo kale saraakiisha lagu dilay dagaalka gobolka Tigray waxaa kamid ah Abai Sahai oo ahaa wasiirkii arrimaha Federaalka iyo Dastuurka Itoobiya sanadadii uu noolaa Males Zenaawi.
Taliyaha howlgallada Melleteriga gobolka waqooyi ee xukuumadda Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in ay dileen mas’uuliyiintii ugu horraysay jabhadda TPLF.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya ee ladilay ayaa lagu xusuustaa in uu calanka Itoobiya suray fagaaraha Villa Somalia xilligii uu dowladda Federaalka madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.
Seyoum Mesfin ayaa kamid ahaa madaxdii xabashida ee hoggaaminaysay duullaankii ay ciidanada itoobiya kusoo qaadeen soomaaliya sanadihii 2006-2009 wuxuuna ahaan ninkii dagaalka qeybta diblumaasiyadda uga jiray islamarkaana caalamka u sheegi jiray in melleteriga itoobiya ay Muqdisho iyo gobollada kale kula dagaalamayaan wax uu ugu yeeray kooxo argagaxisa ah.
Ninkan halaagsamay ayuu Males Zenaawi dhowr jeer usoo diray magaalooyinka muqdisho iyo Baydhabo si uu dhidibada ugu adkeeyo mashruucii gumeysiga xabashida ee markii dambe fashilmay.
isdilka udhaxeeya xabashida waxaa ku baxay hoggaamiyaal cadow ku ahaa muslimiinta geeska afrika halka kuwa kalane laxiray, saraakiisha la sheegay in dagaallada lagu dilay kuwa badan oo kamid ah waxay ku lug lahaayeen duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.