Khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada dhaxdeeda ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay,xilli ay kala dhaqaaqeen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda kooxda Riddada ayuu khilaafkaas saameeyay wasiirrada iyo xildhibaannada murtadiinta.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday eedaymo kulul oo ay hawada isku marinayaan wasiirka gaashaandhigga kooxda Riddada iyo nin kale oo lagu magacaabo Murjaan oo kamid ah xubnaha golaha dawaaqiidda murtadiinta.
Ugu horrayn C/qaadir Max’med Nuur oo baraha bulshada loo yaqaan Wasiir Tiktok ayuu murtad Murjaan ku eedeeyay in uu yahay jaasuus ushaqeeya dowlado shisheeye islamarkaana lunsaday lacagihii mushaarka ee loogu talagalay maleeshiyaadka murtadiinta.
Wuxuu sheegay in wasiirka difaaca uu tahluko geliyay boqolaal maleeshiyaad murtadiin ah kadib markii uu ku guray furimaha dagaalka, kaddibna ay mujaahidiinta alshabaab gummaad kala dul dhaceen.
Wuxuu tusaale usoo qaatay dagaalladii ka dhacay Masagawaay iyo Masaajid Caliguduud halkaas oo kooxda ridada maleeshiyaad farabadan looga laayay.
Wasiirka gaashaandhigga kooxda ridada ayaa isna qoraallo umuuqday aflagaaddo soo dhigayay baraha bulshada isagoo weerarayay xildhibaano katirsan dawaaqiidda oo diiday ajandayaasha siyaasadeed ee XasanGurguurte wato sida waxa loogu yeero doorasho qof iyo Cod.
Shariif sheekh Axmed,cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo murtadiin kale ayaa iyana warbaahinta kasoo muuqday, iyagoo eedaymo kulul ujeedinaya madaxa kooxda ridada.
Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka gaashaandhigga oo umuuqda in ay metelayaan madaxa kooxda Riddada ayaa iyana jawaasiis khaa’imiin ah ku tilmaamay mucaaradka.
Markale xildhibaan Murjaan oo murtadiinta katirsan ayaa wasiirka gaashaandhigga ku tilmaamay mid jaahil ah, islamarkaana qeyb ka ah boobka iyo dhaca lagu hayo bulshada soomaaliyeed.