Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay waxey sheegayaan in gudaha degmadaas ay ka dhaceen weeraro qorsheysan.
Midka hore oo qarax ah waxa uu ka dhacay hooyga uu magaalada Baydhabo ka daganyahay wasiirka arimaha gudaha maamul gobaleedka Ashahaado la dirirka ah ee isku magacaabay koonfur galbeed murtadka lagu magacaabo Maxamed Abuukar Abdi.
Wasiirka ayaa la xaqiijiyay in si dirqi ah kaga badbaaday isku dayga la doonayay in lagu dilo, Waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha magaalada Baydhabo.
Isla magaalada Baydhabo waxey ciidamada Mujaahidiintu howlgal qorsheysan ku dileen Cabdi sheekh maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa maamulka ridada ugu magacaaban degmada baydhabo.
Weeraradan qorsheysan ee ka dhacay gudaha Baydhabo waxey kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax uu ka dhacay hooy magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ay ka daganyihiin maleeshiyaat murtadiin ah.
Calamada.com