Pete Hegseth, oo ah wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka, ayaa isaga oo booqasho ku jooga xarunta taliska ciidanka saliibiyiinta Africom ee dalka Jarmalka ka hadlay joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya.
Masuulkan ka tirsan maamulka Trump, ayaa isaga oo booqashadiisa ku guda jiro la waydiiyay su’aalo ku saabsan siyaasadda dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya, si gaar ahna mustaqbalka ciidamadiisa, haddii ay sii joogayaan iyo haddii kaleba.
Wuxuu tilmaamay in ciidamadiisa aysan kasii howlgali doonin Somalia, isaga oo dhanka kale sheegay inay la tashiyo la yeelan doonaan oo ay dhagaysan doonaan saraakiisha Ameerikaanka ah ee ku sugan gobolka, wuxuuna sheegay in Trump uu si cad u sheegay in ciidanka Maraykanka aan lagu sii hayn doonin dalalka caalamka.
Wasiirka difaaca Washington Pete Hegseth, oo ka jawaabayay su’aasha ku saabsan, ciidamadiinna ma sii joogi doonaan Soomaaliya ayaa ku jawaabay sida tan” “Anagu ma doonayno inaan askar Mareykan ah ku baahinno dalal kala duwan oo caalamka ah, balse waxa aan doorbidayno waa inaan fulinno weeraro fogaan ah.”
Wasiirka difaaca Maraykanka ayaa 11-kii bishan February booqasho ku tagay xarunta taliska Africom ee kutaal magaalada Stuttgart ee wadanka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha sar sare ee taliska, waxay tani kusoo beegantay xilli gaalada caalamka ay walaac daran ka muujinayso duullaanka saliibiga ah ee ay kaga jiraan Soomaaliya, gaar ahaan maalgelinta AUSSOM oo ah isbahaysi kufri ah oo lagu beddelay taliskii kuffaarta Afrikaanta Somalia ee ATMIS.
Hadalka wasiirka difaaca Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xilli markale ay dib usoo laabatay qadiyada ka bixitaanka Mareykanka ee Soomaaliya, 2020-kii ayay ahayd markii uu Trump ciidamadiisa ka saaray Soomaaliya, kaddib weeraradii is xig-xigay ee ka kala dhacay Balli-doogle iyo Manda Bay, oo ku kala yaal Sh/hoose iyo Lamu, waxaanu Maraykanku weeraradaas ku waayay askar badan, diyaarado kuwa dagaalka iyo saanado hub ah.