Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Xawaadley iyo howlgallada kale ee ka dhacay duleedka deegaankaasi.
Taliska ciidanka ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban kaddib Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saldhigga murtadiintu kaga sugnaayeen deegaanka Xawaadley, sidoo kale waxa uu talisku xaqiijiyay in kamiin lala beegsaday maleeshiyo gurmad usoo ahaa deegaanka Xawaadley, tirada horudhaca ah ayuu talisku xaqiijiyay dhimashada 21 xubnood oo murtadiin ah oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar, kuwaas oo lagu dilay dagaalka tooska ah iyo weerarka dhabbagalka ah.
Taliska ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkan cagmarinta ah ay mujaahidiintu ku qabteen tiro maxaabiis murtadiin ah, sidoo kalena ay ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen hub iyo saanad ciidan oo ay ka carareen maleeshiyaadka murtadiinta.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Oo PDF Ah.