Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wariyihii TV koonfurgalbeed Soomaaliya ugasoo warramayey degmada Diinsoor ayaa isku soo dhiibay maamulka Al Shabaab ee gobolka Baay wuxuu ka mid ahaa koox isugu jirtay saraakiil iyo shaqaale maamul oo kasoo goostay magaalada Diinsoor.
Maamulkii degmada Diinsoor ayaa gebi ahaanba burburay islamarkaana ku kala firdhay magaalooyinka Soomaaliya, iyadoo guddoomiyihii degmadaas uu diyaarad gaar ah ka dalbaday Muqdisho sidaasna ku baxsaday.
In badan oo ka mid ahaa shaqaalihii maamulka ee gacan saarka la lahaa ciidamada Itoobiya ayaa meel cidla ah looga dhaqaaqay, waxaana qeylo dhaan ay u dirsadeen Al-Shabaab ugu dambeyntii laga ogolaaday inay isa soo dhiibaan.
Dadka isa soo dhiibay waxaa ka mid ahaa wariyihii gobolka uga soo waramayey TV-ga koonfurgalbeed, kaas oo ka qoomameeyey dagaalkii la galay Xarakada Al-Shabaab, kadibna sidaas lagu cafiyey.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Wariyaha Towxiidka Loo Qabtay.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Wariye Towxiidka Loo Qabtay.