Howlgal gaar ah oo ciidamada shabaabul mujaahidiin ka fuliyeen xaafada cali kamiin ee degmada wardhiigley ee magaaladan muqdisho waxey ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Askariga ay mujaahidiintu ku dileen xaafada cali kamiin waxa uu sigaar ah kaga tirsanaa jawaasiista dhar cadka dowlada ridada, Waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay tima weyne.
Dilka tima weyne oo ahaa askari caan ku ahaa dhibaateynta iyo jaajuusidda dadka shacabka muslimka ah ee ku dhaqan xaafadaha muqdisho waxa uu kusoo aadayaa xilli shabaabul mujaahidiin ay sii kordhisay ugaarsiga ay ku heysa saraakiisha iyo askarta dowlada federaalka ee ku sugan gudaha magaaladan muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.