Wararka ka imaanaya dalka Ethobia ayaa sheegaya in Milatariga maamulka abey axmed uu si buuxda ula wareegay magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha oo ah labo magaalo oo istiraatiiji ah .
Afhayeen u hadlay ciidanka Xabashida ayaa usheegay warbaahina in ciidamadoodu ay gudaha ugaleen magaalooyinka Kombalooja iyo Disi , waxaana marta waddo laami ah oo si toos ah ugasha Addis Ababa.
Maliishiyaatka TPLF ayaa bishii aanu soo dhaafnay ee november lawareegay magaalooyinkaas kadib dagaallo xoogan oo labada dhianac dhaxmaray basle xiligaas looga itaal roonaaday ciidanka xukumada abey axmed iyagoo halkaasi ku xasuuqay boqolaal Amxaaro ah .
Tan iyo markii uu Abiy Axmed iska xaadiriyay jiidda dagaalka ayay TPLF weysay magaalooyin katirsan ismaamullada Amxaarada iyo Cafarta, Waxeyna TPLF dhawaan sheegtay iney badashay istiraatiijiyadeedii dagaalka.
kooxda Tigreega ayaa xusul duub ugu jirtay in ay gacanta ku dhigto magaalooyinka ay maraan waddooyinka muhiimka ah ee Itoobiya ku xira dekadaha Jabuuti iyo Ereteriya si ay ugo’doomiyaan Addis Ababa .