Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku beegsadeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Ridada xilli ay ku sugnaayeen xero ciidan oo kutaal duleedka degmada Bacaadweyne ee wilaayada Mudug.
Guutooyinka madaafiicda Mujaahidiinta waxay tiro madaafiic ah ku garaaceen xero ciidan oo maleeshiyaadka dowladda Ridada ka samaysteen duleedka degmada Bacaadweyne, halkaas oo ay ku suganayeen taliyaha guud ee ciidamada lugta dowladda Ridada Generaal Maxamed Tahaliil Biixi iyo wasiirka amniga maamulka isku magacaabay Galmudug Axmed Macalim Fiqi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in 10 madfac ay gudaha u galeen xerada, waxaana weerarkan si dirqi ah kaga badbaaday taliye Biixi iyo Wasiir Fiqi, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo maleeshiyaadka soo gaaray.
Dadka dhaawacyada qaba waxaa ka mid ah istaafka gaarka ah ee General Biixi, kaas oo la wariyay in dhaawiciisu yahay mid garaab ah.
Ilo wareedyadu waxay intaas ku darayaan in madaafiicda ay sidoo kale gaysteen burbur xooggan oo soo gaaray xerada waxaana uu dab xooggan qabsaday qaybo ka mid ah xerada.
Weerarkan ay ka badbaadeen taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee kooxda Ridada Soomaaliya iyo wasiirka amniga maamulka la magac baxay Galmudug waxay kusoo beegmayaan xilli ciidanka shabaabul Mujaahidiin ay jab xooggan u gaysteen ciidamo huwan ah oo maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka deegaanka Qeycad ee koonfurta wilaayada Mudug.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com