Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo General Cabdilfataax Al-burhaan, ayaa si kulul uga hadashay xaflad ka dhacday magaalada Nayroobi ee caasimadda wadanka Kenya, halkaas oo lagu soo dhaweeyay hoggaanka maleeshiyaadka RSF ee dagaalka kula jira millatariga Sudan.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wazaaradda arrimaha debada Suudaan, ayaa lagu muujiyay sida xukuumadda fadhigeedu yahay Port-sudan uga xun tahay oggolaanshaha Kenya ee munaasabaddii ka dhacday Nayroobi ee lagu dhisay isbahaysi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo maleeshiyada gurmadka deg degga ah.
Suudaan waxay sheegtay in oggolaanshaha Kenya ee martigelinta hogaanka RSF uu yahay mid si cad u muujinaya rabitaankeeda kala gonta Suudaan iyo muujinta cadaawaddeeda ka dhanka ah shacabka reer Suudaan.
Wazaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dowladda Kenya ay xud-gudub ku hayso madax-bannaanida dhuleed ee Suudaan, faragelin ku hayso arrimaha gudaha dalkaasi, dhiirragelinayso kala qeybsanaanta dalalka Afrika, ujeedka rasmiga ah ee munaasabaddaasina tahay in lagu dhiso dowlad garab-socota oo ka hana qaada dhulka Suudaan.
Warkaan kasoo baxay xukuumadda uu madaxa u yahay Generaal Al-burhaan ee Port Sudan, ayaa timid markii shalay Nairobi ay martigelisay munaasabad ballaaran oo ay Kenya kusoo dhaweysay hoggaanka ugu sarreeya fallaagada RSF, kuwaas oo doonaya inay halkaas kusoo dhisaan maamul ka hana-qaada qaybo ka mid ah Suudaan, gaar ahaan goobaha ay joogaan.
Sidoo kale munaasabaddan ayaa timid xilli Kenya ay guul-darro kala kulantay doorashadii ka dhacday Addis-ababa ee ay usoo sharraxday Raila Odinga oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsanaa Ruto, doorashadaas Addis-ababa ka dhacday oo ahayd waxay ugu yeeraan guddoomiyaha midowga Africa waxaa ku guuleystay musharrax ka socday dowladda Riddada ah ee Jabuuti.