Mid ka mida Siyaasiyiinta Soomaalida ah ayaa sheegay in Murtad Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay haatan u xuub-siibteen mooryaannimo tii ugu liidatay, isla markaana dhac, boob iyo barakicin baahsan ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.
Siyaasi Idiris Xasan Faarax ayaa xusay in dalka Soomaaliya aanu ka jirin ciidan tayo leh, balse booskoodii ay haatan buuxiyeen maleeshiyaad burcad ah oo kabo-qaad u ah gaallada dalka ku soo duushay.
Murtad Xasan Gurguurte ayuu sheegay inuu haatan u ban-baxay mooryaannimo, isbaarooyinna uu dhigtay magaallada Muqdisho. Musuqmaasuqiisana uu marayo heerkii ugu xumaa ee abid uu gaaro.
Waxa uu sheegay in darajooyinka ciidannimo ay yihiin kuwo beec ah, sidoo kalena xilalka iyo kuraastuna ay kooto ugu xiran yihiin ciddii gadan karta. Isagoo sida uu doono ugu takrifayala ayuu yiri hantida ummadda Soomaaliyeed oo uu ka dhigtay xaraash iyo xoolo jaban.
Musuq-maasuqa eexda iyo qabyaalada ayuu siyaasigu sheegay inay xarkaha goosteen gudaha kooxda ridada Soomaalia, la iskuna cayrsanaayo hab qabiilaysan oo horseed uu ka yahay Xasan Gurguurte. Isagoo geesta kalena carabaabay barakicinta uu ku hayo dadka masaakiinta ah iyo burburinta masaajidda ee magaallada Muqdisho.
Siyaasi Idiris Xasan ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday khilaafka ka dhex aloosan Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe oo uu sheegay in labadoodu aanu jirin farqi u dhexeeya iyo weliba awood uu midiba midka kale ugu hanjabi karo, maadaama ayuu yiri ay labadooduba go’doon ugu jiraan Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Geesta kalena waxa uu siyaasigani ka dhawaajiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay haatan qarka u saaran tahay in gabi ahaanba ay gacanta ku dhigaan Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama dhawaanba ay har cad ay la wareegeen magaallada Balcad oo wax yar u jirta caasimadda, haatanna kuba dhow ayuu yiri inay noqoto xaafad ka mida magaallada Xamar.
Waxuu ayaan-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay soo dhawayntii gaal Abiy Axmed ee magaalada Muqdisho iyo waliba wiilkii dhalinyarada ahaa ee maleeshiyaadka ilaalada murtad Xasan Gurguurte ay ugu toogteen xeebta Liido ilaalinta amniga Abiy Axmad dartiis.
Eng Idiris Xasan Faarax ayaa tooshka ku ifiyey dhacdo farriin gudbinaysa oo ummadda Soomaaliyeed fool-xumo weyn ku ah oo maalintaasi kasoo muuqatay sawirradii ay Xeebta Liido ku wada-galeen Gaal Abiy Axmed iyo Murtad Xasan Gurguurte.
Socdaalkii Abiy Axmed uu ku tagay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo qayb ka ahaa damaca gurracan ee ay xabadhidu ku doonayso biyaha Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada mujaahidiintu weerar cagmarin ah ku qabsadeen degmada Balcad, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu duqeeyeen garoonka Muqdisho xilli uu halkaas kasoo degayay Abiy Axmed.