Sida uu qoray wargeyska the Guardian, Sirdoonka gudaha ee dowladda Ingiriiska ee loo yaqaano MI5 ayaa digniin gaarsiiyey dhamaan dadka Yahuudda ah ee kunool Ingiriiska, kuwaas oo ay u sheegeen inay suuragal tahay inay dhacaan weeraro aargoosi ah oo si gaar ah u beegsan kara dadka Yahuudda ah.
Sirdoonka gudaha Mareykanka ee loo yaqaano FBI-da ayaa isagana digniin midaas lamid ah soo saaray, iyagoo sheegay in dad Muslimiin ah oo ka careysan waxa ka socda Gaza ay geysan karaan weeraro ka dhan ah dadka Yahuudda.
Wargeyska the Guardian ayaa sheegay in waxa walaaca kusii kordhiyey uu yahay baaqyada isdaba joog ah ee ka imaanaya Mujaahidiinta caalamka kuwaas oo maalmahan Muslimiinta ku boorinayey inay jawaabcelin ka bixiyaan gumaadka iyo gardarada ay Yuhuuddu ku hayaan dadka Muslimiinta.
Isagoo soo xiganaya bayaankii dhawaan kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku saabsanaa Filistiin ayuu wargeysku yiri: “Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa iyadoo u baaqeysa Muslimiinta tiri: “waxa ka socda Filistiin ma ahan dagaal ku kooban jamaacaatka Islaamiga ee halkaas ka dagaalama oo kaliya balse waa mid khuseeya guud ahaan Muslimiinta, sidaas darteed waa inay Muslimiinta wax waliba oo ay awoodaan ku garab galaan Mujaahidiinta halkaas kula dagaalamaya Yahuudda iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah”
Isagoo tacliiqinaya bayaanaadka Isdaba joog ah ee kasoo baxay faracyada Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Soomaaliya, Jaziirada Carabta iyo Galbeedka Africa, wuxuu Ken McCallum oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 uu ka digay inay dhalinyaro baraha bulshada kala socota risaa’ilka Mujaahidiinta ay qaadi karaan weeraro aargudasho ah.
“Waxaa jirta halis laga qabo in dhalinyaro laga taxriidiyey baraha bulshada ay weeraro ku beegsadaan dadka Yahuudda ah” ayuu yiri.
Faransiiska, Holland iyo waddamo kale oo ku yaalla Yurub ayaa goor sii horreysay martigeliyey weeraro aargudasho ah oo ay fuliyeen dad muslimiin ah oo ka careysan gaboodfallada ay Yahuuddu ka wado dhulka Filistiin, taas oo sii kordhisay walaaca ay muujinayaan sirdoonkada reergalbeedka.