Khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qabri-bayax ee gobolka Faafan ee dhulka Soomaali-galbeed.
Shilka oo ahaa mid argagax leh ayaa si gaar ah kaga dhacay tuulo lagu magacaabo Guyow oo hoostagta degmada Qabri-bayax, shilka ayaa kaddib yimid markii ay isku dhaceen laba gaari.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen isla goobta uu shilkaan ka dhacay, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen inka badan 20 kale, kuwaas oo saarnaa gaadiidka shilka galay.
Dadka ku baaba’ay shilkan gaari waxaa ku jirta hooyo iyo 4 carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo dhamaantood dhintay, numberka dhimashada ayaa lasoo wariyay in uu sii kordhi karo, maadaama dhaawacyadu ay ka mid yihiin kuwa halis ah.
Midka mid ka mid ah gaadiidka shilka galay ayay goobjoogeyaashu sheegeen in ay saarnaayeen dad badan oo rakaab ah, waana gaariga dhimashada ugu badan ay ka dhacday sida dadka deegaanku xaqiijiyeen.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay xarumo caafimaad, halkaas oo lagu dabiibayo, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay muuqaalka argagaxa leh ee ka jiray goobta uu shilku ka dhacay, gaadiidka isku dhacay ayaana u muuqday kuwa burburay.
Waa mid ka mid ah shilalka ugu culus ee ka dhaca deegaannada dhaca dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta xabashida Itoobiya.