Wararka ka imaanaya waqooyiga Somalia, ayaa sheegaya in shil khasaare kala duwan dhaliyay uu maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaasi.
Shilkan ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Salaxley ee dhacda gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, waxaana uu shilku yimid markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 8 qof oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay shilka, sida ay soo wariyeen dad goob joog u ahaa dhacdada.
Sawirro gelinkii dambe ee maanta lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga rakaabka ah ee shilka galay iyo sidoo kale burburka ka dhashay.
16-kii bishan July ayay ahayd markii shil xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Qabribayax ee dhaca dhulka Soomali-galbeed ay ku dhinteen 11 qof oo rakaab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 24 kale.