Inta la hubiyay ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen, kaddib shil xooggan oo ka dhacay meel u dhow xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa haweeney iyo ilmo yar, dhimashada iyo dhaawaca ayaana yimid markii uu shil galay gaari Bus ah oo ay saarnaayeen, kaasi oo ku jeeday dhanka magaalada Tororo ee dhacda bariga dalka Uganda.
Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Kayole ee deegaanka Naivasha ee ka tirsan ismaamulka Nakuru ee waddanka Kenya, buska shilka galay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen inka badan 60 qof oo kusii jeeday dhanka Yugaandha.
Dadka dhaawacyada qaba ayaa xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayaa xarumo caafimaad oo kala duwan, waxayna dadkaasi isugu jiraan kuwa dhaawacyadoodu fudud yihiin iyo kuwa culus.