Shirkadaha duullimaadyada ee Turkish iyo Qatar Airlines ayaa shalay hakiyey duullimaadyadii ay ku iman jireen magaalada Muqdisho.
Duullimaadyadan ayaa u baaqday sabab amni darteed, sida warbaahinta maxalligu ay tibaaxayso, waxaanay kusoo aadaysaa xilli Mareykanka uu digniin amni u diray muwaadiniintiisa Amerikaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo laga soo saaray sababta loo joojiyey duullimaadyadan, haddana wakaalladaha socdaalka ee jara tikidhada Turkish Airline ayaa loo sheegay inay shirkaddu hakisay duullimaadyadii ay ku iman jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in duullimaadyadaas la hakiyey muddo lix cisho ah oo ka bilaabmaysa 6-da Maarso ilaa 12 Maarso, waxaana dadkii shalay ku qornaa diyaaradda Turkish Airlines lala wadaagay fariin ku saabsan in uu baaqday duullimaadkii diyaaraddu.
Sidoo kale ilo ka mid ah howl-wadeennada gegida diyaaradaha Muqdisho ayaa idaacad laga leeyahay Maraykanka u sheegay inaysan jirin maanta oo khamiis ah wax duullimaad ah oo ay diyaaradda Qatar Airline ay ku iman doonto magaallada Muqdisho.